1. Kalsooni deggan yeelo.
Uma baahnid inaad cod dheer ku hadasho ama dadka oo dhan soo jiidato. Qofka kalsoonidiisu deggan tahay ayaa si dabiici ah loo dareemaa.
2. Marka qof kula hadlayo,
si dhab ah u dhegayso Indhaha eeg, ha mashquulin, hana ka dhex gelin hadalkiisa. Qofka wuxuu dareemayaa inaad si dhab ah u qiimaynayso.
3. Hadalkaaga miisaan uyeel.
Ha hadlin wax kasta oo maskaxdaada ku soo dhaca. Hadal kooban oo macno leh ayaa mararka qaar ka xoog badan hadal badan.
4. Degganaantaada ilaali.
Marka dadka kale xanaaqaan, adigu ha degdegin. Qofka xaaladaha adag si deggan u maareeya wuxuu yeeshaa presence xooggan.
5. Dadka ixtiraam
Ha isku dayin inaad dadka ka sarreyso si aad u muuqato qof xooggan. Awoodda dhabta ahi waa inaad qof walba ixtiraamto adigoo weli xuduudahaaga ilaalinaya.
6. Ha raadin oggolaanshaha qof walba.
Markaad joojiso isku dayga inaad qof kasta ka farxiso, waxaad yeelanaysaa shakhsiyad dabiici ah oo la dareemo.
7. Muuqaalkaaga iyo nadaafaddaada daryeel.
Nadaafad, labis kuu habboon iyo muuqaal nadiif ah waxay qayb ka noqon karaan first impression-ka dadka.
8. Noqo qof dhab ah
Ha iska dhigin qof aadan ahayn. Dadku waxay si fudud u dareemaan qofka dabiiciga ah marka loo eego qof isku dayaya inuu dadka qanciyo.
✨ Xusuusnow:
Presence xooggan ma aha inaad noqoto qof dadka ka baqaadaan. Waa inaad noqoto qof marka uu soo galo meel, dadka ay dareemaan degganaantiisa, kalsoonidiisa iyo dabeecaddiisa. ! 🔥🤍💯
╭┈──────────────
╰┈➤ - Zaxiibka nolosha 👤









